Make a Plan MN
Samaysashada qorshaha xaaladaha degdeg ah ayaa ka caawin karta adiga iyo qoyskaagaba inaad u diyaar garowdaan wax kasta oo idinku dhici kara. Xillina/marna ma daahsana in aad qorshe u samayso qoyskaaga. Waxa sidoo kale fikrad fiican ah in dib loo eego oo la cusboonaysiiyo qorshayaasha hada jira. Tani waxay si gaar ah run u tahay inta lagu jiro aafada safmareenka cudurka faafa ee COVID-19, kaas oo inaga raba in aynu ugu diyaar garowno si ka duwan xaaladaha kale ee degdeg ah. Hal qorshe oo muhiim ah in la haysto ayaa ah wixii la samayn lahaa haddii waalid ama mas'uul uu bukoodo ama cusbitaal la dhigo fayraska dartiis.
Waxaan kugu dhiiri gelinaynaa in aad u samaysato qorshe ku saabsan sidii aad adiga, qoyskaaga, iyo daryeel bixiyeyaashu aad uga jawaabi doontaan jirro ama cusbitaal jiifin idin ku dhici karta. In aad haysato qorshe ayaa waxay gacan ka geysaneysaa yareynta xaaladaha welwelka ah haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah oo waxay ka caawinaysaa qof walba in uu ka gudbo. Ku bilow inaad wada hadal la yeelato qofkasta oo lug ku leh arimaha una isticmaal tan in ay ku hagto.
Hagitaan loogu Talagalay Qoysaska - u Qorshaynta Sanad Dugsiyeedka 2020-21 - 7/10/20
Hiddo and Hirsi Videos
https://www.youtube.com/watch?v=vqONGZXe7T8 Episode 1
https://www.youtube.com/watch?v=TMYsDwvUOmQ Episode 2
https://www.youtube.com/watch?v=8x7NpEQWSEE&t=401s Episode 3